Kooxda Chelsea ayaa guuldaro xanuun badan kala kulantay kooxda Sunderland kulan ka tirsnaaa horyaalka premier League kana dhacay Stamford Bridge.
Xiddiga Alejandro Garnacho ayaa dhaliyay goolka koowaad ee Blues daqiiqaddii afraad ee ciyaarta.
Xiddiga Wilson Isidor ayaa dhaliyay goolka bar-baraha ee kooxda Sunderland daqiiqadii 22-aad.
Kadib kooxda Sunderland ayaa dhalisay goolka guusha daqiiqadii 93-aad waxana u dhaliyay Shamseddine Talbi kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.
Kooxda London waxay natiijadan kadib heshay 14 dhibcood, iyagoo ku jirta kaalinta toddobaad ee jadwalka Premier League.
Dhanka kale, Sunderland waxay heshay 17 dhibcood, iyadoo ku jirta kaalinta labaad si ku meel gaar ah jadwalka Premier League.
Be the first to comment