Sucuudiga Oo Ka Hadlay Xiisaha Mohamed Salah.

Madaxa fulinta kubbada cagta Saudi Pro League Michael Emenalo ayaa si cad u sheegay qorshihiisa uu Mohamed Salah iyo Kevin de Bruyne ku keenayo dalka Bariga Dhexe.

Wuxuu u sheegay Telegraph markii si gaar ah wax looga weydiiyay weeraryahanka Liverpool iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Man City: “Waxay caawineysaa in heer dadweyne, waxqabadkooda uu jiro, tayadooda waa mid aan la isku khilaafi Karin”.

“Wax walba waa loo siman yahay, taasoo la micno ah kooxahooda, ciyaartoydooda, maamulka, xaaladeena, daneeyayaashayada iyo qof walba, kuwani waa nooca ciyaartoyda si weyn u wanaajin kara waxa aan isku dayeyno inaan sameyno”.

Qandaraaska Salah ee Liverpool wuxuu dhacayaa 2025. Laacibka reer Masar ayaa la filayaa in uu xiiso ka helo kooxaha sucuudiga.

Liverpool ayaan dhinaca kale wali go’aamin in ay iska iibiso xiddiga Iyo in ay sii haysato xilli ciyaareedka dambe.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga