Suarez Oo Ka Hadlay Waxa Uu Ula jeediyay Dabaal-degiisa Taleefanka Ee Kulankii Barcelona

Weeraryahanka Atletico Madrid ee Suarez ayaa ka hadlay dabaalkii uu sameeyay kulankii Barcelona xilligaas oo uu dhaliyay goolkii labaad ee kooxdiisa

Laacibka ayaa u dabaal degay hab dad badan si kale u turjumeen ka dib markii uu gacanta saartay dhagtiisa sida qof taleefanku hadlaya oo kale

” Guul muhiim ah ayay aheyd waana wax aan dooneyno” ayuu yiri laacibkaas  hore Barcelona ee Suarez

” Waan ogaa haddii aan dhaliyo gool in aan ixtiraam muujin doono marka aan eegno xaaladda saaxibadeyda marayaan ,waan ogaa in saaxibadeyda hore xaalad adaga ku jiraan”.

Macalinka Barcelona oo kuraasta ka daawanayay kulankaan kana hagayay ayaa sanad ka hor u sheegay Suarez  in kooxda fasaxday isaga oo taleefan markaas kala hadlay waxa ayna taageeryaasha u turjumeen in uu ku diganyo macalinka

Waxa uu Suarez sheegay ” waxaan uga gon lahaa in dadka i garanaya in aan u muujiyo in weli lambarkii ay igu garanayeen in aan wato , Koeman ulama jeedin , waxaan  caruurteyda kula soo kaftmay in aan sidaan sameynayo”

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*