Halyeeyga Liverpool, Steven Gerrard, ayaa sheegay in Mohamed Salah uu ku biiri doono mid ka mid ah kooxaha Saudi Pro League xagaagan.
Isagoo ka hadlayay barnaamijka Stick to Football ee The Overlap, Gerrard ayaa ka hor yimid aragtida Gary Neville oo ahayd in Salah laga yaabo inuu ku biiro Chelsea ama Arsenal.
Gerrard ayaa yiri:“Uma maleynayo inuu sidaas sameyn doono.”
Wuxuu sii raaciyay:“Lama yaabi doono haddii uu tago koox kale oo weyn meel kale, laakiin ma aaminsani inuu ku biiro koox la tartanta gudaha England.”
“Waxaan u maleynayaa inuu aadayo Sacuudiga. Aniga oo halkaas ku noolaa oo arkay sida loo qadariyo, halkaas ayaan lacagta saari lahaa.”
Dhanka kale, Salah ayaa xaqiijiyay inuu ka tagayo Liverpool marka uu xilli ciyaareedkan dhammaado.
Be the first to comment