Steven Gerrard Oo Looga Digay In Uu Noqdo Badalka Jurgen Klopp Ee Liverpool.

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Jose Enrique Ayaa Steven Gerrard Uga  digay inuusan noqon badalka Jurgen Klopp ee Liverpool sabab la xidhiidha in uu cadaadisku noqon doono mid aad u sareeya.

Xiddiga reer Spain ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in tababaraha haatan ee Rangers – kaasoo ah kabtankiisii ​​hore ee Reds – uu ugu dambeyn la wareegi doono shaqada Anfield laakiin waxa uu u diray digniin.

Enrique ayaa sheegay in uuna ahayn go’aan ay Liverpool wakhti dhaw samayso laakiin waxa uu Halyeeyga Stevie G uga digay in uuna haatan noqon tababarhaa Liverpool.

“Ma garanayo cida badali doonta Klopp laakiin waxa aan rajaynayaa in aan go’aankaas wakhti dhaw la samayn”ayuu u sheegay Ladbrokes.

“Eeg farqiga uu ka sameeyay kooxda iyo waliba xiddigaha doonaya in ay haatan u ciyaaraan Liverpool”.

“Ka hor intii uuna Klopp iman kooxda waxa jiray Suarez iyo Coutinho kuwaas oo ahaa xiddigaha ugu fiican kooxda kuwaas oo doonayay in ay isaga tagaan kooxda si ay ugu biiraan kooxo kale haatan waxa aan haysanaa Thiago, waxa aan ku guulaysany koobab Klopp ayaana ka dhigay kooxda ugu fiican adduunka”.

“Waxa aan rumaysanahay in uu Stevie Gerrard maalin noqon doono tababaraha kooxda laakiin in uu Klopp ka badalo ma ahan wax fiican”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*