Kooxda Chelsea ayaa wajihi doonta kooxda Bournemouth kulan ka tirsan wareegga afraad ee horyaalka Ingiriiska.
Chelsea ayaa doonaysa in ay garaacdo Bournemouth si ay ugu soo baxdo kala saraynta horyaalka Ingiriiska gaar ahaan ka dib markii ay barbaro 1-1 ah la gashay Crystal Palace intii lagu jiray wareegii ugu danbeeyay.
Xidigii hore ee kubada cagta Ingariiska, Stan Collymore, ayaa ka hadlay waxa uu filayo ee ku aadan kulanka premier League ee Chelsea iyo Bournemouth maanta.
Collymore ayaa aaminsan in kulanka Chelsea ee Bournemouth uu noqon doono mid aad u xiiso badan isla markaana goolal badan laga dhalin karo.
Collymore ayaa aaminsan in Chelsea ay guulaysan doonto maanta, wuxuuna yidhi: “Labadaba waxay abuureen fursado goolalna way dhalin karaan saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaareen meel ka baxsan garoonkooda”.
Collymore ayaa hadalkiisa ku soo xidhay: “Dabcan, Bournemouth waxa ay guul ka gaadhay Everton 10 maalin ka hor, waxa aan aaminsanahay in kulanka Bournemouth iyo Chelsea uu ku dhamaan doono guul 3-2 ah oo ay chelsea ku badinayso”.
Be the first to comment