
Madaxweynaha kooxda Sporting CP Frederico Varandas ayaa xaqiijiyay in weerar yahanka reer Sweden ee Viktor Gyokeres laga qaadi doono talaabo anshax ah kadib markii uu seegay qorshihii uu ku soo laaban lahaa tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Weeraryahanka, oo la siiyay fasax dheeri ah, ayaa la filayay inuu dib ugu soo laabto kooxda sabtida 12 bishan July laakiin waxa uu seegay isaga oo aan wax cudur-daar ah lahayn.
Wararka ayaa soo jeedinaya in Arsenal ay dalab rasmi ah ka gudbisay weerar yahanka cajiibka ah, iyadoo miiska saartay 65 milyan oo euro iyo 15 milyan oo gunooyin ah.
Laakiin dalabkaas ayaa ka hoseeya qiimaha ay doonayso kooxda Sporting Lisbon waana ay diiday dalabkaas.
Kooxda Sporting Lisbon kuma qasbana in ay iska iibiso xiddiga Gyokeres marka loo eego xaaladooda dhaqaale.
Xiddiga 26 jirka ah ayaa kooxda kula jira heshiis ilaa sanadka 2028 taasoo kooxda siineysa awood weyn wada xaajood kasta.
“Haddii aysan dooneynin inay bixiyaan qiimaha suuqa ee Viktor, aad ayaan ugu qanacsanahay taas saddexda sano ee soo socota,” ayuu yidhi.
“Istaraatiijiyadan ayaa sidoo kale ka dhigaysa mid aad u adag inuu ciyaaryahanku baxo, ma jiro qof ka sarreeya danaha kooxda, qof kasta oo ay yihiin, waan degan nahay, wax walba waxaa lagu xalin doonaa marka suuqa la xiro, ganaax culus iyo raaligelin kooxda”.
Be the first to comment