Spain Oo Xasuuqday Costa Rica , Cashar Ayay U Dhigeen

Qaranka Spain ayaa guul darro xooggan qoorta u suray Costa Rica oo ay hal qeyb kaga talaabsadeen, iyaga oo uga badiyay 6 gool

Costra Rica waa ku adkeyd in xittaa labo kubad saxan isku dhuftaan , waxaana ka dhacayay qaladaad joogto ah.

Spain is fahan iyo cadaadis ayay ciyaarayeen kubadooda meel waliba ayay ka socotay waxaana  u  dheeraa is fahan

Qeybta hore sedex gool ayay nasiinada ku direen waxaana kala saxiixay  Olmo , Assensio,Torres oo rigoore dhaliyay

Soo laabashadii cadaadiska waa sii socday gool 4-aad ayuu Torres dhaliyay balse intaas kuma joogsan mahrajaanka goolasha ilaa Gavi mid 5-aad uu dhaliyay halka kan lixaad ee dhamaadka uu dhashay uu saxiixay Soler

Kubadda Spain waxa ay ka socotay garbaha , waana laga filan karay goolal dheeraad maadaama si bilaa dhib ah ay u ciyaarayeen , wax aayanCosta rica ku toogteen baasas cajiib ah

 

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*