Southampton Isma Dhiibaan , Waqtigii Dheeriga Ciyaarta Ayay Bar-bar Dhac Ku Qabteen Chelsea

Southampton ayaa waqtiga dheeraadka ciyaarta wax aay bar bar dhac ay u qalmeen ku qabteen Chelsea oo ay ku hishiiyeen min sedex gool

Ka dib hal ciyaar hal dhinac aheyd , Chelsea ayaa Southampton nasiinada ugu dirtay 2/1 waxaana qeybtaas kubadda maamulayay Chelsea

Maamulka qadka dhexe ayaa guud ahaan Southampton laga haystay waxaana loo diiday in kubadda cagtooda ay ku daahdo .

Timo Werner ayaa Chelsea u dhaliyay labada gool daqiiqadihii 15-aad iyo 29-aad waxa uuna ceebeystay daafaca Southampton

Kooxda martida ah waxa ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah illaa dhamaadkii ay ku keeneen gool waxa ayna heleen daqiiqaddii 43-aad waxaana u dhaliyay Danny Ings

Qeybta labaad , labada koox kubadda waa ay u furneyd xilli Southampton isku dayo kala duwan ay sameynayeen waxaana hor taagnaa goolahayaha Chelsea

Southampton waa ay ku dhiirranayeen weerar ay ku qaadaan Chelsea illaa ay qalad ku qasbeen daafacooda Zouma kaasi oo kubad si qaldan ugu baasay goolhayaha waxaana helay weerarka kooxda martida waxa ayna ugu dambeyn ku keeneen goolka bar bar dhaca daqiiqadii 57-aad

Chelsea niyad jab kama aysan qaadin waxa aynan durba heleen goolka sedexaad waxaana saxiixay KIA ka dib baas uu ka helay Timo Warner waxa ayna aheyd daqiiqadii 59-aa

Chelsea waxa ay daqiiqadii 72-aad soo giliyeen xiddigooda dhaawac ka soo kacay ee Hakim Ziyech oo loo saaray Mason Mount

Dhamaadkii Southampton kubadda waa ay la qeybsanayeen Chelsea waliba kubadda cagtooda waa ay ku daaheysay taasi oo ay si dheer tahay isku dayo ay sameynayeen xilli daqiiqadii 81-aad goolhayaha Chelsea uu bad baadiyay goolka bar bar dhaca .

Chelsea waxa ay badalkoodii labaad ku soo giliyeen Reece James oo loo saaray Christian Pulisic halka daqiiqadii 90-aad ay fursad siiyeen Tammy Abraham oo loo saaray Timo Warner

Kooxda Southampton ma aheyn kuwo iso dhiibay waxa ayna daqiiqadii 1-aad ee waqtiga dheeriga ah keeneen goolka bar bar dhaca waxa ayna ciyaarat ku dhamaatay  min sedx gool .

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*