Solskjaer Oo Xaqiijiyay Xiddig Kooxdiisa Ah Oo Dhaawacmay.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga khadka dhexe ee Scott McTominay ku dhaawacmay kulankii Real Sociedad ee champions League sidaas darteed uu seegay kulankii Newcastle United.

Xiddiga Scott McTominay ayaa seegay kulankii ay Man United guusha ka gaadhay Newcastle kana tirsanaa premeir League isaga oo lagu badalay xiddiga Nemanja Matic.

“Scott McTominay waxa uu ku dhaawacmay kulankii Real Sociedad waxana uu si deg-deg ah uga soo kabsna waayay dhaawac sidaas darteed ayuu ku seegay”ayuu Solskjaer yidhi.

Warkan ayaa ah mid u xun marka loo eego in ay kooxda Man United horay uga dhaawacnaayeen laba xiddig oo khadka dhexe ah.

Xiddigaha Donny Van de Beek iyo Paul Pogba ayaa kooxda Man United dhaawac uga maqnaa kulamadii ugu dambeeya ee ay kooxdu ciyaartay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*