Solskjaer Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Iman Doono Everton, Xiddig Muhiim Ah Ayaa Soo Laabtay Mid Kalena Wuu Seegay.

Tababaraha Man United Ole Gunnar Solskjaer ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor iman doono Everton kulan ka tirsan horyaalka premier League.

Red Devils ayaa marti galin doonta kooxda Everton kulan ka tirsan todobaadkii 7-aad ee horyaalka iyaga oo isha ku haya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha.

Man United ayaa dib u heshay daafaca Bidix ee Luke Shaw ayaa ka soo muuqday Liiska xiddigaha ee ka hor tagi doona kooxda Everton horyaalka premier League.

Xiddiga ayaa ku dhaawacmay kulankii Aston Villa waxa uu seegay kulankii Villarreal ee champions League laakiin xiddiga ayaa lagu arkay isaga oo ku jira xiddigaha yimid hudheelka.

Laakiin waxa kulanka Liiska ka maqan xiddiga daafaca ka ciyaara ee Harry Maguire kaas oo dhankiisa dhaawac ku seegay kulankii Villarreal ee champions League.

Halkan Kaga Bogo Shaxda Solskjaer u soo xushay kulanka:

Goolhayayaasha: David De Gea, Dean Henderson, Tom Heaton

Daafaca: Raphael Varane, Victor Lindelof, Luke Shaw, Aaron Wan-Bissaka, Eric Bailly, Alex Telles, Diogo Dalot

Khadka dhexe: Bruno Fernandes, Paul Pogba, Jadon Sancho, Fred, Scott McTominay, Donny van de Beek, Nemanja Matic, Juan Mata

Weerarka: Cristiano Ronaldo, Edinson Cavani, Mason Greenwood, Anthony Martial

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*