Solskjaer Oo Sharaxay Sababtii Uu Badalka Ugu Sameeyay Ronaldo Iyo Bruno Kulankii Young Boys.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa sharraxay sababtii uu u badalay Cristiano Ronaldo iyo Bruno Fernandes intii lagu guda jiray guuldarradii Champions League ee Manchester United ee Young Boys.

Red Devils ayaa laga dhaliyay gool wakhti dambe ah waxana lau garaacay 2/1 inkasta oo uu Ronaldo u dhiibay hogaanka bilowgii ciyaarta sidaasna ku dhaliyay goolkiisii 3-aad 2 kulan gudohood.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa badalay xiddigaha Ronaldo iyo Fernandes iyada o 20 daqiiqo ka dhimantahay ciyaarta iyada oo uu ku badalay xiddigaha Jesse Lingard iyo Nemanja Matic.

Go’aankaas ayaa dhaliyay dhaleecayn xoogan iyada oo taageerayaal badan ku weerareen tababaraha in uu badalo xiddigaha ugu fiican ciyaarta muhiimka ah.

Solskjaer oo sharaxaya sababta uu u badalay labada xiddig ayaa yidhi”Ciyaartu waxa ay maraysay 80 daqiiqo, waxana ay in badan ordeen kulankan iyo kulankii sabtidii sidaas darteed waxa aan doonaynay khibrada Nemanja matic iyo lugaha Jesse”.

“Waa in aan ilaalino Cristiano waxana aan dareemay in ay tahay wakhtiga saxda ah ee la badali karo”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Waa maxay heerka ugu sarreeya ee jacaylka?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*