Solskjaer Oo Loo Sheegay Wakhtiga Shaqada Laga Cyadhin Doono & Kulanka Ku Xidhan Mustaqbalkiisa Oo La Ogaaday.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa loo sheegay in guuldaro ka soo gaadha kooxda Everton Todobaadka dambe in ay sabab u noqon karto in uu waayo shaqadiisa tababaranimo ee Man United.

Solskjaer ayuu cadaadisku ku sii badanayaa kadib markii Man United laga badiyay 3-dii kulan ee ay United ku ciyaartay garoonkeeda Old Trafford horyaalka premier League.

Kooxda Man United ayaa badisay labadii kulan ee ay ciyaartay champions Leageu iyada oo garaacday kooxaha Paris Saint-Germain & RB Leipzig.

Khabiirka ahna halyeeyga kooxda chelsea ee Jason Cundy ayaa sheegay in guuldaro ka soo gaadha kooxda Everton oo uu ku xigo fasaxa xulalku in uu sabab u noqon doono in ay Man United shaqada ka caydhiso Ole Gunnar Solskjaer.

“Dhibaatada Ole ayaa ah in ay United kaliya hal dhibic heshay 4 kulan oo ay ku ciyaartay garoonkeeda ayuu Cundy u sheegay talkSPORT

“Man United waxa ay 3 dhibcood ku lumisay Kulankii Tottenham, waxa ay 2 dhibcood ku lumisay halka ay 3 kulan lumisay kulankii Arsenal”.

“Kooxahaas waa kooxaha doonaya in ay ku dhamaystaan meel ka saraysa United, Maamulka kooxdu waxa ay u eegi doonaan si dhaw”.

“Xaqiiqada ayaa ah in ay haatanba kulamo badan guuldaro la kulmeen sidaas darteed kulanka Everton ayaa noqon doona mid muhiim ah”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*