Solskjaer Oo Loo Sheegay Dhibaatada Uu Raphael Varan Ku Soo Kordhin Doono Marka Uu Ku Biiro Old Trafford.

Halyeeyga Arsenal Ray Parlour ayaa carabka ku adkeeyay in tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer cadaadis la saari doono, hadii daafaca Real Madrid Raphael Varane uu u dhaqaaqo Red Devils.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Man United saxiixa Varane kala heshiisay Real Madrid haatana kaliya dhimantahay in uu xiddigu tijaabada caafimaadka u maro Man United kadib lagu dhawaaqo saxiixiisa.

Ray Parlour oo la hadlaya wargayska Mirror ayaa yidhi”Waxan u malaynayaa in ay taageerayaasha Man United ku faraxsanyihiin saxiixa Varane”.

“Mar walba waxa ay sugayeen xiddig ka garab ciyaara Maguire, Varan waxa uu ciyaaray kulamo waaweyn xulka iyo kooxdiisa Real Madrid, waxana aan u malaynayaa in uu noqon doono saxiix fiican”.

“Laakiin Solskjaer haatan wixii ka dambeeya kama caban doono in aanay maamulka kooxdu taageerin, haatan Imaatinka Varane waxa uu tababare ahaan saari doonaa cadaadis xoogan”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 10-ka Tayo Ee Ay Dumarku Ku Jeclaadaan Ragga, Hadii Aad Leedahay Arimahan, Gabadhuhu Way Isku Kaa Dilayaan.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*