Solskjaer Oo Ka Warbixiyay Xaalada Paul Pogba, Maxaa Cusub?

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa xaqiijiyay in xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba garoomada ka sii maqnaan doono dhawr todobaad oo kale kadib dhaawacii soo gaadhay.

Xiddigii hore ee Juventus ee Pogba ayaa garoomada ka maqan tan ilaa markii uu ku dhaawacmay kulankii Everton ee bishii February.

Waxa Jirtay rajo laga qabay in uu xiddiga Paul Pogba garoomada ku soo laaban doono kulanka Crystal Palace ee 3 bisha March.

Laakiin Solskjaer ayaa sheegay in uu xiddigu muddo kale ka sii maqnaan doono garoomada.

“Paul waxa uu sii maqnaan doonaa dhawr todobaad oo kae”ayuu solskjaer yidhi kadib kulankii Real Sociedad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*