Solskjaer Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Paul Pogba.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer aya ka warbixiyay xaalada dhaawac ee xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba kaas oo ku dhaawacmay kulankii Everton.

Xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba ayaa dhaawac uga baxay qaybtii hore ee ciyaarta gaar ahaan daqiiqadii 39-aad iyada oo lagu badalay xiddiga Fred.

Xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba ayaa ku jiray qaab ciyaareed fiican xilli ciyaareedkan isaga oo kooxdiisa ku hogaamiyay guulo muhiim ah kulamadii ugu dambeeyay.

Laakiin xiddiga ayaa sii wadan kari waayay ciyaarta kulankii Everton kadib markii uu dhaawac muruqa ah soo gaadhay intii aay socotay qaybta hore ee ciyaarta.

Kadib ciyaarta ayaa Ole Gunnar Solskjaer wax laga waydiiyay xaalada dhaawac ee xiddiga khadka dhexe kooxdiisa iyo sida ay wax u soo gaadheen.

“Paul Pogba wuu sii wadan kari waayay ciyaarta sababta oo ah waxa uu ka dhaawacmay muruqa”ayuu Solskjaer yidhi.

“Waxa uu mari doonaa baadhitaano dheeraad ah si loo ogaado halista dhaawaca”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*