Solskjaer Oo Ka Jawaabay Wararka Sheegaya In Cristiano Ronaldo Ku Qancinayo Paul Pogba In Uu Sii Joogo Man United.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in Manchester United ay tahay inay fuliso ballanqaadkeedii weynaa isla markaana ay ku guuleysato koobab xilli ciyaareedkan haddii ay doonayaan inay ku qanciyaan Paul Pogba inuu kordhiyo joogitaankiisa Old Trafford.

Xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa ku jira sannadkii ugu dambeeyay qandaraaskiisa waxaana jira cabsi laga qabo inuu qaab xor ah ua tago kooxda markii 2-aad iyada oo lala xidhiidhinayo kooxaha Real Madrid iyo PSG.

Laakiin wararka toddobaadkan ayaa Sheegaya in uu xiddiga reer France haatan u jan-jeero in uu sii joogo Man United waliba heshiis cusub u saxiixi karo kooxda kadib soo laabashadiis Cristiano Ronaldo.

United ayaa sidoo kale muujisay hami iyadoo kooxda keentay xiddigaha Varane iyo Jadon Sancho suuqii, laakiin Solskjaer ayaa sheegay in xaalada jirta ee kooxdu in ayna Pogba ku qancin doonin uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Markii la weydiiyay haddii imaanshaha Ronaldo ay ku qancin karto Pogba inuu sii joogo Old Trafford, iyo haddii aysan jirin meel ka fiican oo uu ku ciyaaro, Solskjaer ayaa ku jawaabay: “Haa, waa hagaag, hadda ayay nagu xiran tahay inaan helno natiijooyin iyo inaan nafteena u caddeynno inaan guuleysan karno koobab”.

“Sababtoo ah waxaan u maleynayaa in qof walba oo u saxiixo Man United uu doonayo inuu koobab ku guuleysto, wuxuu doonayaa inuu qeyb ka noqdo Man United oo guuleysata – taasi waa dareenka ugu fiican adduunka, si aad uga mid noqoto kooxda guuleysata ee Man United”.

“Markaa, haa, waxaan u malaynayaa in qof walba uu kaliya diiradda saarayo sidii aan wax u qaban lahayn oo aan aragno meesha aan aadno”.

Sii Akhriso: Farsamooyinka Qarsoodiga Ah Ee Ay Dumarku Adeegsadaan Si Ay Ugu Qiimeeyaan In Uu Ninku Yahay Mid Ku Haboon Iyada, Iska Baro Niniwo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*