Solskjaer Oo Ka Hadlay Hogaanka Ay Kooxdiisu U Qabatay Premier League.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka hadlay hogaanka ay kooxdiisu u qabatay Premier League kadib markii ay guusha ka gaadhay kooxda Burnley.

Kooxda Man United ayaa hogaanka u qabatay Premier League kadib markii ay guul 1/0 ah ka gaadhay kooxda Burnley kulan baaqi u ahaa Red Devils.

Solskjaer oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan ku dhawnahay bartamihii xilli ciyaareedka, waxa aan garanaynaa meesha aan joogno”.

“Laakiin ma jirto cid xasuusanaysa in aan ku jirnay kaalinta 12-aad dhawr todobaad ka hor”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*