Slot Oo Xaqiijiyay Xiddig Kooxdiisa Ah Oo Seegi Doona Kulanka Tottenham.

Arne Slot ayaa xaqiijiyay in Trent Alexander-Arnold uu seegi doono kulanka Carabao Cup habeenka Khamiista ee Tottenham.

Daafaca ayaa codsaday in la badalo Kulankii ay Liverpool 2-0 ku garaacday Bournemouth sabtidii kulan ka tirsanaa premier league.

Halka tababaraha Reds uu rajo ka muujiyay in dhaawaca lugta uusan halis ahayn Slot ayaa xaqiijiyay in Alexander-Arnold uu seegi doono booqashada Spurs.

“Berri wuu maqnaan doonaa, waana inaan aragnaa inuu ciyaari karo Axadda, laakiin berri lama heli karo,” ayuu yiri Slot Arbacadii.

“Waxaan u maleynayaa inaad aragtay inuu garoonka ka baxay isagoo xoogaa xanuun ah lugtiisa ka dareemaya, sidaa darteed waa sababta uu bari u seegi doono kulanka”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga