
Arne Slot ayaa magacaabay lix kooxood oo ku guuleysan kara Champions League ka dib markii ay Liverpool ay ka hadhay tartanka kagana hadhay lugta PSG.
Kooxda hogaaminaysa premier League ayaa rikoodhayaal looga reebay tartanka champions League iyaga oo jooga garoonka Anfield.
Slot ayaa diiday in uu PSG ku tilmaamo kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga champions League waxana uu sheegay 5 kooxood oo ka horeeya fursadaha champions League.
“Maya, ma odhan karo waa kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga champions League”ayuu Slot yidhi.
“Waad ogtihiin sida aan u jeclahay kooxdan iyo sida ay wacdaraha u ahaayeen todobaadkii hore iyo manta”.
Mar la weydiiyay cidda uu ku qiimeeyay kuwa ugu cadcad, Slot wuxuu ku daray:”lama aanan ciyaarin dhamaantood”.
“Wan jecelahay Barcelona haatan, sidoo kale Arsenal waa koox fiican, Real Madrid, Bayern Munich sidoo kale waa cajiib”.
Be the first to comment