
Arne Slot ayaa xaqiijiyay in Trent Alexander-Arnold uu seegi doono finalka Carabao Cup oo ay la ciyaarayaan Newcastle United.
Daafaca dambeedka midig ee England ayaa lagu qasbay inuu garoonka ka baxo inta lagu guda jiro wareega 16ka Champions League ee Liverpool ay la ciyaareen Paris Saint-Germain habeenkii Salaasada.
Alexander-Arnold ayaa bartamihii qeybtii danbe ee ciyaarta laga saaray waxaana lagu bedelay Jarell Quansah.
Slot ayaa qirtay ka dib guuldaradii naxdinta lahayd in Alexander-Arnold uu shaki weyn ku jiro inuu ciyaaro finalka Carabao Cup ee Axadda ee Newcastle.
Liverpool ayaa usbuucan u safri doonta Wembley iyada oo doonaysa in ay kor u qaado koobkeedii ugu horeeyay ee Slot, kaasoo xagaagii hore Anfield ku bedelay tababarihii hore ee Jurgen Klopp.
Isagoo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka subaxnimadii jimcaha, Slot ayaa xaqiijiyay in Alexander-Arnold uu seegi doono finalka, inkastoo uu ‘rajaynayo’ 26 jirkaan inuu soo laabto ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka.
“Trent runtii lama heli karo”Slot ayaa ka sheegay shirkiisii jaraa’id ee ciyaarta ka hor.
“Ma ciyaari doono Final-ka”.
“Waxaan qiimeyneynaa isaga si aan u aragno goorta uu soo laaban doono. Waxaan filaynaa inuu soo laabto ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka”.
Ibrahima Konate ayaa ah xiddig kale oo dhaawac uga baxay kulankii PSG.
Slot ayaa sheegay in xiddiga reer France uusan tababarka qaadan tan iyo kulankaas laakiin laga yaabo inuu ku soo laabto garoonka tababarka Jimcaha si uu u tijaabiyo taam ahaanshihiisa ka hor finalka.
“Waxaan filayaa inuu maanta nala tababaran doono laakiin waan arki doonaa sida uu yahay”ayuu ii raaciyay.
Be the first to comment