
Tababaraha Liverpool ee Arne Slot ayaa amaan kula dul dhacay xiddigaha Man United ee Bruno Fernandes Iyo Diogo Dalot kadib bar-barihii ay Liverpool la gashay Man United kulan ka dhacay Anfield.
Slot ayaa qirtay in labada xiddig ee Bruno Fernandes Iyo Diogo Dalot ay dhibaato weyn ku ahaayeen kooxdiisa.
“Dhammaan ciyaarta, waxaan abuurnay fursado ka badan iyaga”ayuu Slot yidhi.
“Waxa aan qabaa in ay ku fiicnaayeen garabka midig, Bruno waa ciyaartoy aad u fiican si fiican ayuu u ciyaaray kulanka waxana aan qabaa sidoo kale Dalot in uu si fiican u ciyaaray”
“Bruno Iyo Dalot ayaa dhibaato weyn nagu keenay intii ay ciyaartu socotay”.
Be the first to comment