Sir Jim Ratcliffe ayaa ku adkeysanaya in Erik ten Hag uu yahay ‘tababare aad u wanaagsan’ waxa uuna sheegay in go’aanka mustaqbalka tababaraha reer Netherlands uu ka baxsan yahay gacantiisa.
Ten Hag ayaa durba cadaadis la saaray ka dib markii United ay si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka iyaga oo badiyay kaliya 2 kulan 6-dii kulan ee ugu horaysay.
Ratcliffe ayaa qiimeeyay mustaqbalka Erik Ten Hag dhamaadkii xilli ciyaareedka waxana ay go’aansadeen in ay sii haystaan tababaraha.
Markii la waydiiyay hadii ay wali ku kalsoonyihiin tababaraha Ratcliffe ayaa yidhi”Waxa aan qabaa in aanan u baahnayn in aan ka jawaabo su’aashaas, wan jecelahay Erik”.
“Waxaan u maleynayaa inuu yahay tababare aad u wanaagsan laakiin dhamaadka maalinta ma ahan go’aankayga, waxa go’aanka leh masuuliyiinta maamulaya kooxda kuwaas oo go’aamin kara sida ugu fiican ee aan u wadi karno kooxda”.
“Masuuliyiinta maamulaya kooxda kaliya waxa ay wada joogeen Man United tan ilaa June iyo July, halkaas ma joogin January, February, March iyo April, Agaasimaha kooxda ee Omar Berrada iyo Agaasimaha ciyaaraha ee Dan Ashword ayaa kaliya yimid kooxda bishii July”.
Be the first to comment