Silva, Pochettino, Fernandes, De Bruyne, Osimhen & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Kooxaha ayaa haatan bilaabi kara in ay sameeyaan saxiixyada ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxooda.

Suuqa ayaa si Rasmi ah u furmay iyada oo kooxaha kala duwan u furantahay in ay dhamaystiraan saxiixyada.

hadaba kooxda.com waxa ay idiin balan-qaadaysaa in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararkii ugu dambeeyay ee suuqa.

Chelsea ayaa wadahadalo kula jirta wakiilada Kieran McKenna si uu u noqdo tababaraha cusub ee kooxda (Football Insider).

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Portugal Bernardo Silva, 29, ayaa ka tagi kara xagaagan haddii Manchester City ay hesho dalab ugu yaraan 50 milyan (Football Insider).

England ayaa laga yaabaa inay magacaabaan tababarihii hore ee Chelsea Mauricio Pochettino hadii Gareth Southgate uu ka tago booskiisa ka dib Euro 2024 (Telegraph).

Pochettino ayaa sidoo kale xiiso u qaba in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda Man United hadii la caydhiyo Erik Ten Hag (Times).

Kooxda Arsenal ayaa u dhaqaaqaysa saxiixa Goolhayaha kooxda Feyenoord ee Justin Bijlow si ay ugu badalaan Aaron Ramsdale (Mirror).

Weeraryahanka kooxda Napoli ee Victor Osimhen ayaa iska diidi doona kooxda PSG si uu ugu biro horyaalka Premier League (Teamtalk).

Xiddiga Khadka dhexe ee kooxda Man City Kevin de Bruyne ayaa wadahadalo kula jira kooxda ka ciyaarta horyaalka maraykanka e San Diego Fc (Athletic).

Man United ayaan diyaar u ahayn in ay heshiis cusub u soo bandhigto xiddiga Khadka dhexe ee Bruno Fernandes kaas oo xiiso ka helaya Al-Nassr (AttackingFooty).

Kooxda Juventus ayaa doonaysa in ay la soo wareegto xiddiga Alvaro Morata suuqa xagaaga (Cadena SER).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga