Sideed Xiddig Oo Ka Maqan real Madrid Kulanka Espanyol Ee La Liga.

Xaalada dhaawacyada Real Madrid ayaa sii xumaaday ka hor kulanka ay galabta la ciyaari doonaan Espanyol kulan ka tirsan La Liga iyada oo xiddigaha Marcos Asensio, Isco iyo Mariano Diaz lagu daray liiska dhaawacyada.

Xiddigaha Marcelo, Ferland Mendy, Dani Carvajal, Gareth Bale & Dani Ceballos ayaa horay uga maqnaa kooxda sabab la xidhiidha dhaawac kuwaas oo seegayay kulanka maanta.

Laakiin xiddigaha Asensio, Isco iyo Mariano ayaa sidoo kale ku biiray Liiska xiddigaha laga reebay kulanka galabta ee horyaalka La Liga.

Tababare Anceotti ayaa wali kooxdiisa ku hogaamiyay qaab ciyaareed fiican inkasta oo ay kooxdiisu dhaawac la dhibaatoonayso waxana uu isha ku hayaa in uu helo 3-da dhibcood ee kulanka maanta.

Halkan Kaga Bogo Liiska xiddigaha Ancelotti u soo xushay kulanka galabta:

Thibaut Courtois, Andriy Lunin, Luis Lopez, Eder Militao, David Alaba, Jesus Vallejo, Nacho Fernandez, Miguel Gutierrez, Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Federico Valverde, Lucas Vazquez, Eduardo Camavinga, Eden Hazard, Karim Benzema, Luka Jovic, Vinicius Junior, Rodrygo.

Sii Akhriso: Sifooyinka Lagu Garto Dumarka Halista Ah Ee Lacagta Jecel Laakiin Iska Dhigaya Kuwo Ku Jecel, Ninow Ka Fogow Waa Dhiig Miirato

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*