Sidee Tottenham Uga Caawin Karta Chelsea Saxiixa Declan Rice?

Inter Milan ayaa dar-dar galin doonta saxiixa Xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea ee N’Golo Kante hadii ayy Iibiyaan daafaca Milan Skriniar xagaagan sida ay sheegayaan wararku.

Daafaca dhexe ee Skriniar ayaa bartilmaameed u ah Jose Mourinho iyo Tottenham inkasta oo lagu qiimeeyo 60 milyan oo euro taas oo ah lacag ku badan Tottenham laakiin hadii uu heshiisku dhoco Chelsea ayaa fursad u helaysa saxiixa xiddiga bartilmaameedka u ah Frank Lampard ee Declan Rice.

Wargayska Gazzetta Dello Sport ayaa sheegaya in uu tababare Antonio Conte xiddiga chelsea ee Kante u arko saxiixiisa riyada ee kooxda ku ciyaarta San Siro.

Si kasta ha ahaatee wararka ayaa sheegaya in ay Inter Milan u dhaqaaqi karto saxiixa Kante hadii ay iska iibiso daafaca dhexe ee Skriniar.

Kooxda Tottenham ayaa suuqa ugu jirta daafac dhexe kadib markii uu Jan Vertonghen kooxda ka tagay bilowgii suuqa kala iibsiga xagaagan.

Tottenham ayaana Skriniar u calaamadsatay bartilmaameedkooda 1-aad ee suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sidaas darteed Tottenham ayaa chelsea ka caawin karta hadii ay la soo saxiixato Skriniar taas oo keenaysa in ay Inter u dhaqaaqdo saxiixa Kante kaas oo dhankiisa wadada u furaya in ay chelsea u dhaqaaqdo saxiixa Rice.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*