Sidee Ayuu Zinedine Zidane Sabab Ugu Ahaa In Uu Achraf Hakimi Ku Biiro Inter Milan.

Wakiilka Achraf Hakimi, Alejandro Camano, ayaa cadeeyay in Zinedine Zidane inuu yahay sababta uu xiddiga uu wakiilka u yahay uga tagay Real Madrid.

Daafaca dambeedka midig, ee ka qalin jabiyay akadeemiga Los Blancos, ayaa todobaadkii hore ku biiray Inter Milan ka dib labo sano oo amaah ah oo uu kula joogay Borussia Dortmund.

“Zidane ayaa ah sababta uu Achraf ugu biiray Inter Milan”ayuu Camano u sheegay wargayska Mountakhab.

“Hadda waa inuu sharraxaa ka bixiyo sababta uu Achraf uga tagay kooxda”.

Waxaan u maleynayaa ku soo laabashada Real Madrid xilligan inaysan fiicneyn, madaama oo uu joogo Dani Carvajal”.

“Waxa aan hubaa in uu mustaqbalka Achraf yahay mid ifaya kadib talaabadan uu qaaday”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*