Sidee Ayuu Thibaut Courtois Fure Ugu Yahay Ku Guulaysiga Eden Hazard Ee Real Madrid?

Calaamad su’aal aad u badan ayaa saaran qaab ciyaareedka Eden Hazard ee kooxda Real Madrid tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda xagaagii hore isaga oo la kulmay dhaawacyo badan.

Wargayska Defensa Central ee ku dhaw kooxda Real Madrid ayaa sheegay in uu Goolhayaha kooxda Real Madrid ee Thibaut Courtois fure u yahay ku guulaysiga Eden Hazard ee kooxda Real Madrid.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Goolhaye Thibaut Courtois maray wado la mid ah mida Eden Hazard markii uu ku soo biiray Real Madrid waliba la kulmay dhaleecayn aad u xoogan ka hor inta uuna noqon xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.

Sidaas darteed Eden Hazard ayaa mari doona wadada Goolhayaha ay isku dalka yihiin si uu guulo ula gaadho kooxda Real Madrid.

Hazard ayaa ku dhibaatoonaya in uu soo bandhigo qaab ciyaareed fiican tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Kagana soo biiray Chelsea.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*