Sidee Ayuu Leroy Sane Man United Uga Hor Istaagi Karaa Saxiixa Jack Grealish?

Kooxda Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay u dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Aston Villa ee Jack Grealish marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga.

Jack Grealish ayaa ah xiddig si weyn loo doonayo suuqa xagaaga xilli kooxdiisa Aston Villa khatar ugu jirto in ay tartanka premier League ka hor.

Xiddiga reer England ayaa si weyn loola xidhiidhinayaakooxda Man United kuwaas oo ka dhigtay bartilmaameedkooda ugu weyn ee suuqa xagaaga.

Laakiin wargayska The Telegraph ayaa sheegaya in ay Man City awoodeeda isugu gayn doonto saxiixa Jack Grealish hadii uu Leroy Sano xagaaga isaga tago kooxda kuna biiro Bayern Munich.

Sane ayaa si cad u qirtay in uuna heshiis cusub u saxiixii doonin waxana la filayaa in uu isgaa tago kooxda kuna biiro Bayern Munich.

Advertisements

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Man City baanka u jabin doonto saxiixa xiddiga Jack Grealish marka uu Sane isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*