Sidee Ayay Xiddigaha Arsenal Uga Fal eliyeen Kaadhkii Casaa ee Nicolas Pepe

Xiddiga Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay si weyn ugu xanaaqeen xiddiga Nicolas Pepe kaas oo kaadhka cas ee tooska ah qaatay kulankii Leeds United.

Xiddiga ugu qaalisan kooxda Arsenal ee Pepe ayaa seegaya 3-da kulan ee soo socota kadib markii uu madax ku dhuftay xiddiga kooxda Leeds United ee Ezgjan Alioski kulankii ay Arsenal bar-baraha 0/0 la gashay Leeds United.

Xiddigaha Arsenal ayaa la sheegayaa in ay si weyn uga xanaaqeen xiddiga kadib markii qaatay kaadhka cas taas oo sabab u noqotay in ay Arsenal guul ka gaadhi waydo Leeds United.

Nicolas Pepe ayaa raali galin ka bixiyay dhacdada laakiin waxa la sheegayaa in ay xiddigaha kooxdu si weyn uga xanaaqeen markii ay aadeen qolka Labiska ciyaarta kadib.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*