Sida Uu Horyaalka Premier League Ku Dhamaan Lahaa Hadii Aan VAR La Isticmaalayn Xilli Ciyaareedkan Oo La Soo Saaray.

Taageerayaasha premeir League ayaa ku riyaaqay maalin cajiib ah Axadii oo ahayd maalintii ugu dambaysay ee horyaalka premier League xilli ciyaareedka 2019/2020.

Liverpool ayaa guul ku soo xidhatay horyaalka iyaga oo guul 3/1 ah oo soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Newcastle kulan ka dhacay garoonka St James’ Park.

Kooxda kaalinta 2-aad gashay ee Man City ayaa 5/0 ku sii macasalaamaysay kooxda Norwich ee wakhti hore ka hadhay horyaalka premier League laakiin Goolhayaha Man City ee Ederson ayaa VAR uga mahad celinaya ku guulaysiga abaalmarinta Gacanta dahabka ah ee uu ku guulaystay.

Norwich City ayaa wakhti hore gool ka dhaliysay Man City laakiin waxa goolkaas lagu diiday Offside taas oo keentay in uu Ederson shabaqiisa ilaashado kulankaas.

Tignoolajiyada Caawisa garsooraha ayaa xilli ciyaareedkan muran badan ka dhalisay hoyralka premier League iyada oo kooxo badan goolal ka diiday kooxo badan rikoodhayaal u dhigtay kooxo badana rikoodhayaal ku dhigtay.

Hadaba wargayska Express Sport ayaa soo saaray Sida uu noqon lahaa kala saraynta horyaalka premier League hadii aanay jirin VAR Xilli ciyaareedkan.

Kooxda Liverpool oo 99 dhibcood heshay premier League ayaa laga jari lahaa 5 dhibcood iyaga oo 94 dhibcood ku qaadi lahaa horyaalka hadii ayna VAR jirin xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale Man City oo 81 dhibcood ku gashay kaalinta 2-aad ayaa 6 dhibcood heli lahayd sidaasna ku yeelan lahay 87 dhibcood hadii ayna jirin VAR Horyaalka premier League.

Chelsea oo kaalinta 4-aad ku gashay 66 dhibcood ayaa hal dhibic oo dheeraad ah heli lahayd sidaasna ku yeelan lahayd 67 dhibcood hadii ayna VAR Jirin.

Man United oo kaalinta 3-aad ku jirta 66 dhibcood ayaan wax farqi ah lahayn hadii ayna jirin VAR Iyaga oo lahaan lahaa 66 dhibcood kaaliin kaalinta 4-aad ku jiri lahaa hadii ayna VAR Jirin.

Arsenal oo kaalinta 8-aad ku jirta iyada oo leh 56 dhibcood ayaan wax farqi ah lahayn VAR iyo VAR La’aan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Hadaba Halkan Kaga Bogo dhibcaha ay heli lahaayeen 20-ka kooxood hadii ayna VAR jirin xilli ciyaareedkan:

1st – Liverpool – 94 Dhibcood

2nd – Manchester City – 87

3rd – Chelsea – 67

4th – Man Utd – 66

5th – Wolves – 66

6th – Leicester – 62

7th – Sheffield United – 58

8th – Arsenal – 56

9th – Burnley – 54

10th – Tottenham 52

11th – Everton – 50

12th – Southampton – 49

13th – West Ham – 45

14th – Newcastle – 44

15th – Crystal Palace – 41

16th – Aston Villa – 37

17th – Brighton – 36

18th – Watford – 34

19th – Bournemouth – 33

20th – Norwich – 23

Sii Akhriso: Xasan Cali Khayre Waxa Xilka Looga Qaaday Afgambi Aanu Dhiig Ku Daadan

1 Comment

  1. Webkan Magaca Ka Badalaa O Man U Baxsha Sii Dadka Kooxaha Kale Taageero Idinku Soo Qaldamin Hadalkiina Wax Lagu Qoslo Waye Varchester Miyaa Dhahdeyn Var Uma Hiilinin Been Intaan La Eg Maan Arag Isku Xishooda

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*