Sida Ay Noqon Lahayd Shaxda Man United Hadii Ay Heli Lahayd Dhamaan Bartilmaameedyadii Ole Gunnar Solskjaer

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa qorshaynayay suuq weyn si uu u xoojiyo kooxdiisa waxana ugu sareeyay Liiska xiddigaha uu doonayo Jadon Sancho, Jack Grealish iyo xiddigo kale oo badan.

United ayaa si weyn loola xidhiidhinayay xiddigaha Sancho, Grealish, Dayot Upamecano, Nathan Ake & Thiago Alcantara intii uu furnaa suuqa kala iibsiga xagaagu.

Laakiin United ayaa dhamaan wada seegtay xiddigahaas si la mid ah xiddiga Erling Haaland kaas oo uu Solskjaer doonayay suuqii January.

Haatan United ayaa La ciyaari doonta Newcastl Kadib fasaxa xulalka iyaga oo doonaya in ay ka soo laabtaan guuldaradii 6/1 ahayd ee ka soo gaadhay Tottenham.

Laakiin halkii ay shaxda ku soo gali lahaayeen xiddigaha Sancho, Grealish iyo xiddigihii kale ee sida weyn loola xidhiidhinayay kooxda xagaagii oo dhan waxa ay ku soo galayaan shax aan ahayn midii uu Solskjaer doonayay.

Man United ayaa samaysay saxiixyo cusub oo uu ugu qaalisanyahay xiddiga Donny Van de Beek kaas oo 40 milyan ugu soo biiray kooxda.

Kooxda ayaa sidoo kale maalintii ugu dambaysay dhamaystirtay saxiixyada Edinson Cavaniyo Iyo Alex Telles kuwaas oo ah kooxda 1-aad.

Kooxda Man United ayaa kulanka Newcastle ku bilaaban doonta 4-ta daafaca Aaron Wan-Bissaka, Victor Lindelof, Harry Maguire Iyo Telles.

Laakiin daafaca United aya kulankaas noqon lahaa Wan-Bissaka, Upamecano, Maguire Iyo Ake hadii uu Solskjaer heli lahaa bartilmaameedyadiisii 1-aad.

Khadka dhexe United ayaa ku soo gali lahayd xiddigaha Thiago, Van de Beek & Fernandes laakiin badalkiisa waxa ay ku doo gali doonaan Matic, Pogba iyo Fernandes halka ay weerarka ku soo gali lahaayeen Marcus Rashford, Jadon Sancho iyo Martial.

How Man Utd could have lined-up if they'd signed Solskjaer's top targets

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*