Sida Ay Noqon Karto Shaxda Liverpool Kulanka Ugu Horeeya Ee Reds Premier League.

Klopp iyo Liverpool ayaa wakhti hore dhamaystay suuqa kala iibsiga iyaga oo wakhti hore la soo wareegay xiddigaha ay doonayaan ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Kooxda Liverpool ayaa la soo saxiixatay xiddigaha Nunez, Carvalho iyo waliba Ramsey kuwaas oo ay ku xoojisay kooxdooda.

Liverpool ayaan la filayn in ay saxiix cusub ka samayso suuqa xagaaga iyada oo sidaas uga baxday suuqa kala iibsiga xagaaga.

Taageerayaasha Liveprool ayaa haatanba sii og sida ay noqon karto shaxdooda kulanka ugu horeeya ee horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub.

Reds ayaa kulanka ugu horeeya ee prmeier League la ciyaari doonta kooxda Fulham waxana ay doonayaan in ay guul ku bilowdaan horyaalka.

Waxa la soo saaray sida ay noqon karto shaxda Reds kulankooda ugu horeeya ee horyaalka premier League.

Liverpool line-up Fulham