Sida Ay Noqon karto Shaxda Liverpool Hadii Uu Kylian Mbappe Ku Biiro Reds Xilli Uu Klopp Ka Fikirayo In Uu Dalab Ka Gudbiyo Xiddig.

Shaxda Liverpool ay ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka dambe ayaa noqon doona mid aad uga duwan hadii ay la soo saxiixdaan xiddiga 22 jirka ah ee kooxda PSG ee Kylian Mbappe.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu xiddiga reer France kooxda PSG u gudbiyay warqada bixitaanka isaga oo midkood ku biiri kara Liverpool ama Real Madrid.

Liverpool ayaa si weyn loola xidhiidhinayay saxiixa Mbappe xagaagan waxana uu diidanyahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda PSG.

PSG ayaa diyaar u ah in ay aqbasho dalab dhan 100 milyan oo euro hadii ay hesho halkii ay qaab xor ah ku waayi lahayd xagaaga dambe laakiin Reds ayaa ku qasban in ay iska iibiyaan xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.

Mbappe ayaa ka ciyaari kara 3-da boos ee weerarka ah waxana uu xilli ciyaareedkii hore dhaliyay 27 gool iyo 7 caawin horyaalka France.

Wargayska Daily Star ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool isku diyaarinayso in ay dalab ka gudbiso saxiixa xiddiga kadib markii uu warqada bixitaanka gudbiyay kooxda PSG.

Isla wargayska ayaa soo saaray shaxda waalida ah ee ay Liverpool ku soo galayso hadii ay Liverpool hesho saxiixa xiddiga reer France.

A move would see generational talent Mbappe occupy the left-wing position with Salah devastating opposition on the opposite flank

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*