Sida Ay Noqon Karto Shaxda Arsenal Hadii Uu Mikel Arteta Helo Xiddigaha Uu Doonayo Xagaagan

Kooxda Arsenal ayaa ka mid noqon doonta kooxaha ugu cad-cad ku guulaysiga premeir League xilli ciyaareedka dambe hadii ay helaan saxiixa xiddiga chelsea ee Willian.

Gunners ayaa haatan ku dhaw in ay hesho saxiixa xiddiga reer Brazil kaas oo uu heshiiskiisa Chelsea dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sidoo kale Gunners ayaa isku dayaysa in ay hesho saxiixa xiddigaha Thomas Partey, Dani Ceballos iyo Philippe Coutinho kuwaas oo ay doonayso in ay hesho saxiixooda.

Kooxda Arenal ayaana ku ciyaari karta shax wareer ah hadii ay maamulka Arsenal u keenaan tababare Arteta xiddigaha uu doonayo.

Willian ayaa 3-da weerarka kala garab ciyaari doona xiddigaha Pierre-Emerick Aubameyang Iyo Nicolas Pepe hadii uu ku biiro Arsenal.

Xiddigaha Coutinho iyo Partey ayaa meesha kala bixi doona xiddigaha Granit Xhaka iyo waliba xiddiga Lucas Torriera hadii ay yimaadaan Gunners.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*