Sheffield United Oo Ku Digatay Man United Kadib Markii Ay Ku Garaaceen Old Trafford.

Kooxda Sheffield United ayaa si baas ugu digatay kooxda Man United kadib markii ay garaaceen kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kulan ka dhacay Old Trafford.

Sheffield United ayaa hogaamiyayaasha horyaalka premier League ka gaadha guushoodii 2-aad ee Premeir League xilli ciyaareedkan kulan ka dhacay Old Trafford.

Ma jirin cid filaysay Natiijada soo baxday maadama ay dhamaan dadku filayeen in ay Man United guul fudud ka gaadho waliba ku laabto hogaanka horyaalka premier League.

Laakiin Sheffield United ayaa qarxisay lama filaanka premier League todobaadkan iyada oo garaacday kooxda Man United waliba hadiyad fiican u dirtay Man City kuwaas oo haatan si Buuxda ula wareegay hogaanka horyaalka premier League.

Kooxda Man United ayaa ciyaarta ka hor bogeeda Twitter-ka gaar ahaan bogga Carabiga ah soo dhigtay qoraal ah “Wax walba waa diyaar garoonka Riyada waxana uu diyaar u yahay Bandhiga Caawa ee Man United Vs Sheffield United”.

Kadib markii ay ciyaartu dhamaatay ayay Sheffield United Ugu jawaabtay”United! waxa aan rajaynayaa in aad ku raaxaysateen Bandhiga”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*