Sheffield United Oo Garaacday Chelsea Hadiyadna U Dirtay Man United & Leicester City.

Kooxda Sheffield United ayaa xasuuqday kooxda chelsea kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kana dhacay garoonka Bramall Lane.

Kulanka ayaa ahaa mid dhinac kaliya ah iyada oo Blues si weyn ugu dhibaatootay in ay u babac dhigto kooxda Sheffield United kuwaas oo si raaxo leh isaga ciyaaryaya.

Bilowgii ciyaarta ayay ka muuqatay in ayna ahayn habeenkii chelsea iyada aan laba kubad isku dhiibayn waliba sameeyay khaladaad dhanka daafaca iyo khadka dhexe ahba.

Daqiiqadii 18-aad ayay Sheffield United dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga David McGoldrick kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay 1/0.

Chelsea oo madaxda soo qaaday ayaa isku dayday in ay goolka bar-baraha keento laakiin Sheffield United ayaa si cajiib ah u difaacatay iyaga oo Blues u diiday in ay fursad ku helaan goolkeeda.

Intii ay Chelsea ku mashquulsanayd goolka bar-baraha ayay Sheffield United dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo Blues sii niyad jabiyay.

Daqiiqadii 33-aad ayay Sheffield United Dhalisay goolka iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Oliver McBurnie kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Kooxdiisu ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay Qaybta hore ee ciyaarta oo ay Sheffield United Ahayd kooxda fiican una qalantay in au hogaanka u hayso ciyaarta xilli ay Wiilasha Lampard soo bandhigeen qaab ciyaareedkoodii ugu xumaa.

Qaybta dambe ee ciyaarta ayaa si weyn loo filayay in ay Chelsea ku soo gasho qaab ciyaareed ka duwan midkii hore si ay dib ugu soo noolayso rajadeeda kulanka.

Laakiin Ma ahayn habeenkii cheslea waxana ay sii waday qaab ciyaareedkii liitay xilli ay Sheffield United si fiican u difaacanaysay goolkeeda.

Kooxda Sheffield United ayaa qaybta dambe heshay fursado cajiib ah oo ay goolal kaga dhalin kareen laakiin umay suurtagalin arintaas.

Daqiiqadii 77-aad ayay Sheffield United Ciyaarta dishay kadib markii uu xiddiga David McGoldrick u dhaliyay goolkii 3-aad ee ciyaarta isgaa oo kulanka ka dhigay 3/0.

Wixii intaas ka dambeeyay Lampard & iyo xiddigihiisa ayay ka muuqatay in ay ka niyad jabeen kulanka waxbana ka soo celin karin oo ay u dhamaatay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Sheffield United garaacday chelsea hadiyad qaali ahna u dirtay kooxaha Leicester City & Man United.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*