Sheeko Cusub:Liverpool Oo Ka Kaluumeysaneysa Biyaha Man City , Laba Xiddig Ayay Ka Doonayaan

Suuqa xagaaga ee Liverpool waxa uu sanadkaan noqonayaa mid xiiso leh xilli la xusayo in ay damacsan yihiin dalabyo ay ka geeyaan xiddigo magac ku leh qaaradda Yurub.

Kooxda Klopp waxa ay ka taqaluseysaa tiro ciyaartooy ah si taasi badalkeeda ula soo hishiiyaan kuwo cusub waxaana xiddigaha ay dirayaan ugu horeeya Lovern , Lallana , Shaqiri iyo Clyne

Haatan , waxaa lala leeyahay haddii City lagu dhaqan giliyo ganaaxa diidamda ee Champion-ka , waxa ay haystaan fursad ay uga kaluumeysan karaan biyaha Man City .

Waa Hubaal haddii City ganaxaas labada sano ee Champion-ka uu ku dhaco waxa ay taasi keeneysaa in dhowr ciyaartooy ay baxaan .

Hadaba Daily Mail ayaa qoreysa in Liverpool ay isha ku hayaan dalab ay ka geeyaan labada xiddig ee Man City ee Kevin De Bruyne iyo xiddigoodii hore ee Raheem Sterling.

Advertisements

Arintaan ayaa imaaneysa xilli Kevin De Bruyne dhawaan uu shaaciyay in uu yaraantiisa taageero u ahaa Liverpool” aniga iyo qoyskeyga Liverpool ayaan taageero u aheyn , waxaan jelcaan jiray laacibkii hore Reds ee Owen waliba isaga ayana yaraanteyda isla bar bar dhigi jiray”.

Intaas kuma joogsan xaaladda , Raheem ayaa dhankiisa qiray in weli jaceyl uu u hayo kooxdiisa hore Liverpool inkastoo shan sano ka hor uu ka tagay.

” Hadii aan runta sheego , weli Liverpool waan jeclahay , kooxdaan qalbigeyga meel weyn ayay kaga qoran tahay , waa kooxda ka qeyb qaadatay hormarkeyga kubadda cagta” ayuu sii raaciyay Raheem

Haddii ay dhacdo in Raheem ay helaan waxa uu Liverpool magdhow ugu noqon karaa Mane iyo Salah oo laga yaabo in ay baxaan halka Kevin De Bruyne isna uu dhan dhan gaar ah u yeeli dooni qadka dhexe Liverpool.

Lama helin qiimaha ay damacsan tahay in Liverpool ay ka geeyaan saxiixa labadaas laacib oo la rumeysan yahay in uusan noqon doonin mid jaban xilli la xusayo in City dhankoodana ay ka shaqeynayaan in ay ka saxiixsaan hishiiyo cusub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*