Sheeko Cusub: Willian Oo Lagu Arkay Maaliyada Arsenal Ka Hor Inta Uuna Ku Biirin.

Willian ayaa ku dhaw in uu Chelsea ku badasho Arsenal inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Muuqaal la soo dujiyay oo ah Ciyaar gacmeedka Pes2021 ayaa u muuqda mid xaqiijiyay ku biirista xiddiga reer Brazil kadib markii la arkay isaga oo xidhan maaliyada Arsenal.

Arsenal ayaa heshiis la saxiixatay shirkada ciyaar gacmeedka soo saarta ee Pro Evolution Soccer video game kuwaas oo si weyn ula xafiiltama FIFA.

Muuqaalka ay ku xaysiinayeen qaybtooda cusub ayaa lagu arkay Willian oo xidhan maaliyada kooxda Arsenal.

Kadib muuqaalka ayaa lagu soo gaba-gabeeyay “Ku soo dhawaw Emirates”.

Willian ayaa u muuqda mid haatanba ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee chelsea iyada oo uu xiddiga 31 jirka ah iska diiday dalabkii 2-da sano ahaa ee ay Blues u soo bandhigtay.

Dhanka kale Arsenal ayaa la sheegayaa in ay haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay maalmaha soo socdana ku dhawaaqi doonto heshiiska.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*