Sheeko Cusub: Neymar Oo Kaligiis Ka Mushahar Badan Dhamaan Kooxda Atalanta.

Xiddiga kooxda PSG ee Neymar ayaa kaligiis ka mushahar badan dhamaan kooxda Atalanta marka la isku daro xiddigaha iyo shaqaalaha tababar.

Xiddiga 28 jirka ah ee reer Brazil ayaa todobaadkii u xaadira mushahar lacageed oo dhan 620 kun oo Gini kadib markii uu PSG kaga soo biiray Barcelona.

Arintaas ayaa la macno ah in uu Neymar sanadkii qaato mushahar lacageed oo dhan 32.2 milyan euro sida uu sheegayo wargayskaL’Equipe.

Wargayska La Gazzetta dello Sport ayaa sheegaya in ay dhamaan kooxda Atalanta mushahar ahaan u qaataan lacag dhan 30 milyan oo euro sanadkii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*