Sheeko Cusub: Man United Oo 2 Dhibcood Ugu Soo Bixi Karta Champions League Laakiin Seegi Kara Hadii Ay 3 Dhibcood Helaan, Iska Faham Sida Ay U Dhacayso?

Kooxda Man United ayaa xaqiiqsan karta kaalinta 4-aad ee loogu soo boxo champions League hadii ay helaan 2 dhibcood laakiin guul ayaa sabab u noqon karta in ay seegaan.

Red Devils ayaa haatan ku jirta kaalinta 5-aad ee kala saraynta premier League iyaga oo la dhibco ah Leicester City halka ay hal dhibic ka dambayso chelsea oo ku jirta kaalinta 3-aad.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa la ciyaari doona Leicester City kadib marka ay la ciyaaraan West Ham kulankooda ugu dambeeya ee xilli ciyaareedka.

XIlli ay leicester City sugayso natiijada Man United ee kulanka West Ham ka hor kulankooda maalinta ugu dambaysa Labada kooxood ayaa wada leh 62 dhibcood iyo walba farqiga goolasha oo ay wada leeyihiin 28.

United ayaa la ciyaaraysa kooxda West Ham iyaga oo doonaya in ay ka soo kabsadaan guuldaradii Semi-finalka FA Cup ee chelsea.

Hadii ay Unitd guuldaro kala kulanto West Ham waxa ay ka hoosayn doonaan Leicester City dhanka farqiga goolasha kadib waxa ay ku qasbanaan doonaan in ay ka badiyaan Leicester City.

Laakiin hadii ay Red Devils bar-baro la gasho West Ham waxa ay kaliya u baahnaan doonaan in ay guuldaro ka fogaadaan Kulanka Leicester City si ay ugu soo baxaan champions League.

Hadii ay United ka badiso West Ham kadib ay bar-baro ama guul ka gaadho Leicester City waxa ay 4 dhibcood ka horaynaysaa kooxda Foxes.

Laakiin 3 dhibcood ayaa sidoo kale la macno ah in ay labada kooxoodba ku dhamaysan doonaan 65 dhibcood waxana ay u baahan doonaan in ay goola ku helaan kulankooda ugu dambeeya ee garoonkooda.

Leicester City ayaa haatan dhalisay in ka badan 4 gool kooxda Man United taas oo la macno ah in ay United u baahantahay guul weyn kulanka Old Trafford.

1 Comment

  1. kkkk qoraalkiina man utd iyo liecester aa kaga faalooteen chelsea hadii laga badiyo midna bareejo la galsho iney shanaad tagaayaan lama socotid waa ka jiiftaa la soco guuxa isboortiga

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*