Sheeko Cusub: Maamulka Premier League Oo Damacsan In La Yareeyo Kulamada Premier League Xilli Ciyaareedka Dambe & Sababta Oo La Ogaaday

Maamulka Premier League ayaa kooxaha u soo bandhigay qorshe cusub oo kulamada lagu dhamaystiri doono qaybta hore ee ciyaarta.

Kooxaha premeir League ayaa isku diyaarinaya bilaabashada xilli ciyaareedka cusub bisha dambe kadib markii ay wadahadalo la qaateen maamulka tartanka.

Xilli ciyaareedkii hore ee tartanka ayaa la joojiyay muddo 3 bilood ah sabab la xidhiidha xanuunka Korona laakiin waxa laga cabsi qabaa in uu xanuunku waji 2-aad ku yimaado England.

Wargayska Standard ayaa sheegaya in maamulka Premier League ay haatanba diyaarinayaan qorshe kayd ah ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Kulanka ay maamulka premier League la qaadan doonaan todobaadka dambe ayaa la sheegayaa in loo soo bandhigi doono in la yareeyo kulamada horyaalka premier Leageu xilli ciyaareedka dambe.

Sida caadiga ah koox walba oo premier League ah ayaa ciyaarta 19 kulan xilli ciyaareedka sidaas darteed waxa ay maamulka Premeir League soo bandhigayaan in la kala qaybiyo kulamadaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*