Sheeko Cusub: Liverpool Oo U Wareega 8 Dhaamaadka U Gudbi Karta Iyaga Oo Aan Ciyaarin Champions League, Qaab Noocee Ah.

Kooxda Liverpool ayaa iska xaadirin karta wareega 8 dhamaadka champions League iyaga oo aan la ciyaarin kooxda RB Leipzig Kulankooda wareega 16 champions League.

Kooxda Liverpool ayaa la ciyaari doonta kooxda RB Leipzig kulanka lugta 1-aad ee wareega 16 champions League kulan si weyn loo sugayo.

Laakiin waxa uu shaki weyn ku jiraa in uu dhoco kulankaas sabab la xidhiidha xeerka karantiilka ee ay xukuumada Germany ku xidhay dalka.

Xidhiidhka kubada cagta yurub ee UEFA ayaa kooxda RB Leipzig u qabatay ilaa 8 bisha February si ay u xaqiijiyaan in ay sida caadiga ah u ciyaari karaan kulanka Liverpool.

Hadii ay xaqiijiyaan in ayna sidii caadiga ahayd u ciyaari karin waxa la go’aamin doonaa garoon dhex-dhexaad ah oo lagu ciyaaro kulanka ama in Liverpool si toos ah u gudubto iyaga oo aan ciyaarin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*