Sheeko Cusub: Lionel Messi Oo Ka Soo Muuqday Kooxda Inter Milan, Qaab Noocee Ah?

Milkiilayaasha kooxda Inter Milan ayaa si maldahan u xaqiijiyay in ay la soo saxiixan doonaan xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi iyaga oo xiddiga reer Argentine u isticmaalay xayaysiinta kulanka Inter Milan & Napoli kana soo daayay TV laga leeyahay dalka shiinaha.

Kooxda Inter Milan & Tv-ga PPTV ayaa wada leh milkiilayaasha shirkada Suning group.

Waxana ay ciyaarta ka hor Guriga Duomo cathedral ee ku yaala bartamaha magaalada Milan ku sawireen xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Xiddiga 33 jirka ah ee Lionel Messi ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa Inter Milan kadib markii uu shaki galay mustaqbalkiisa kooxda Barcelona.

Inter Milan ayaan qarin xiiseheeda Lionel Messi iyaga oo madaxweynihii hore ee kooxdu dhawr jeer qirtay in ay kooxdu awood u leedahay in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga reer Argentine.

Sii Akhriso: Kenya Oo Xaqiijisay In Ay Safaarad Ka Furan Doonto Somaliland.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*