Sheeko Cusub: Kooxaha Premier League Oo Wajahaya In Laga Saaro Tartamada Yurub Xilli Ciyaareedka Dambe & Sababta Oo La Ogaaday.

Kooxaha Premier League ayaa lagu soo waramayaa in laga reebi doono tartamada yurub ee champions League iyo Europa League xilli ciyaareedka dambe sabab la xidhiidha xayiraadaha duulimaayada sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Arintaas ayaa keeni karta in ayna kooxaha yurub isku safrin sida caadada u ah tartamada yurub sida champions League iyo Europa League.

Xanuunka Korona ayaa dalalka yurub sida Spain iyo wadamo kale ku qasbay in ay xayiraado ku soo rogaan duulimaadyada ka imanaya dalka UK halka dalka UK ayaa muddo 14 maalin ah ku qasbaya in uu karantiil galo qof walba oo ka yimaada wadama kale ee yurub.

Sabab la xidhiidha xayiraadahaas xidhiidhka kubada cagta UEFA ayaa soo saartay xeerar cusub oo la dhaqan galin doono xilli ciyaareedka dambe oo ay ka mid tahay in kooxaha laga reebo tartamada yurub hadii ayna ciyaari karin.

Xeerka ugu weyn ayaa ah in ay UEFA si toos ah uga reebayso kooxaha England ama kooxaha kale ee yurub ee xalka u waaya in ay ciyaaraan kulamada.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*