Sheeko Cusub: Halka Wado Ee Ay Man City Ugu Dhaqaaqayso Saxiixa Lionel Messi Oo La Ogaaday.

Khabiirka kubbadda cagta Spain Graham Hunter ayaa sheegtay in Manchester City ay muddo dheer xiiseyneysay Saxiixa weeraryahanka Kooxda Barcelona Lionel Messi.

Xilli ay Barcelona ku dhawdahay in ay xilli ciyaareedkan waydo horyaalka La Liga waxa si weyn loo hadal hayaa mustaqbalka Lionel Messi kaas oo isaga tagi kara kooxda 12-ka bilood ee soo socda.

Sabab la xidhiidha in uuna Pep Guardiola doonayn in uu Lionel Messi ka kexeeyo Camp Nou Hunter ayaa sheegay in ay Man City wax walba u samayn doonto saxiixa xiddiga Lionel Messi hadii uu Pep Guardiola ka tago kooxda.

Isaga oo la hadlaya talkSPORT ayuu Hunter Yidhi”Kooxda kaliya ee isku dayday in ay Lionel Messi ka Afduubato Barcelona waa Man City gaar ahaan intii ay milkiilayaasha cusub la wareegeen kooxda”.

“Waxan u malaynayaa in uu Pep Guardiola ka shaki qabo sida uu Lionel Messi ugu soo baxayo nidaamkiisa sabab la xidhiidha cadaadiska iyo awooda premier Legaue mana doonayo in uu Lionel Messi ka soo kexeeyo Camp Nou”.

“Laakii hadii uu Guardiola isaga tago Man City shaki la’aan Kooxdu waxa ay wax walba u samayn doontaa saxiixa Lionel Messi”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*