Shaxdii Ugu Xumayd Horyaalka Premier League Oo La Soo Saaray.

Xilli ciyaareedka premier League ee 2019/2020 ayaa dhamaday muddo ku dhaw hal sano ah markii uu bilowday.

Waxa uu ahaa xilli ciyaareedkii ugu dheeraa ee taariikhda Kooxda Liverpool ayaana ku guulaystay horyaalkii ugu horeeyay muddo 30 sano ah.

Dhanka kale kooxaha Norwich, Bournemouth and Watford ayaa ka hadhay horyaalka premier League dibna ugu laabtay championship-ka.

Kooxaha Man United iyo Chelsea ayaa dhankooda Leicester City ku garaacay labada boos ee ugu dambeeya champions League xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin qaar ka mid ah xiddigaha ayuu horyaalku ku dheeraaday marka loo bar-bar dhigo xiddigaha kale kuwaas oo aan soo bandhigin qaab ciyaareed fiican.

Hadaba wargayska StarSport ayaa soo xushay shaxdii ugu xumayd ee horyaalka premier League dhamaaday.

Goolhayaha: Kepa Arrizabalaga (Chelsea).

Daafaca: Ezri Konsa (Aston Villa), John Stones (Manchester City), David Luiz (Arsenal), Emerson Palmieri (Chelsea).

Khadka dhexe: Pablo Fornals (West Ham), Jesse Lingard (Manchester United), Gylfi Sigurdsson (Everton).

Weerarka: Patrick Cutrone (Wolverhampton Wanderers), Moise Kean (Everton), Joelinton (Newcastle United)

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*