Shaxdii Ugu Fiicnayd Wareegii 16-ka Champions League Oo La Soo Saaray.

Kooxaha iska xaadiriyay 8 dhamaadka champions league ayaa si Rasmi ah loo xaqiijiyay iyada oo kooxaha Barcelona iyo Juventus yihiin kooxaha ugu waaweyn ee ka hadhay tartanka wareegii 16-ka.

Barcelona ayaa ku fashilantay in ay ka soo laabato guuldaro ka soo gaadhay kooxda PSG iyaga oo looga badiyay guul 5/2 ah marka la isku dar labada lugood ee tartanka.

Dhanka kale kooxda Juventus ayaa ka hadhay tartanka kadib markii ay guul 3/2 ah ka gaadhay kooxda Fc Porto laakiin goolasha laga dhaliyay martida ayaa ka reebay tartanka.

Kooxaha Premeir League ee Liverpool, Man City iyo Chelsea ayaa dhaafay kooxaha RB Leipzig, Borussia Monchengladbach & Atletico Madrid.

Dhanka kale kooxda difaacanaysa tartanka ee Bayern Munich ayaa dhaaftay kooxda Lazio halka ay kooxaha Real Madrd & Borussia Dortmund dhaafeen kooxaha Atalanta iyo Sevilla.

Hadaba wargayska Sports Mole ayaa soo saaray shaxdii ugu fiicnayd wareegii 16-ka ee champions league ee la ciyaaray bishii hore iyo bishan haatan lagu jiro.

Kooxda Juventus ayaa xiddigaha ugu badan ku leh shaxda iyaga oo ku leh 3 xiddig Halka kooxaha Liverpool Iy Fc Porto ku leeyihiin min 2 xiddig.

Kooxaha PSG, Sevilla, Barcelona iyo Borussia Dortmund ayaa min hal xiddig ku leh shaxda ugu fiican wareegii 16-ka ee tartanka champions League.

CL TOTW L16 2

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*