Shaxda Wareerka Ah Ee Ay Man United Ku Ciyaari Karto Xilli Ciyaareedka Dambe Xilli Ay Ku Dhawdahay Varane & Trippier

Kooxda Man United ayaa u muuqata in ay ka go’antahay in ay tartanto xilli ciyaareedka dambe iyaga oo si xoogan suuqa ugu jira waliba doonaya xiddigo wax weyn ku soo kordhin kara kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Red Devils ayaa kaalinta 2-aad ka gashay premier League xilli ciyaareedkii hore waxana ay doonayaan in ay kaalinta 1-aad ku dhamaystaan xilli ciyaareedka dambe waxana arintaas cadayn u ah ka go’naanshohooda suuqa xagaagan.

Kooxda Man United ayaa ugu dambayn heshay saxiixa xiddiga Jadon Sancho kadib muddo sanado ah oo ay ku raad joogeen saxiixa xiddiga waliba xagaagii hore ku dhawaadeen saxiixiisa.

Ma United ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa laba xiddig oo daafac ah kuwaas oo kala ah Raphael Varane iyo Kieran Trippier Kuwaas oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan daafaca dambe ee kooxda.

United ayaa doonaysa in ay xiddigaha Kieran Trippier iyo Raphael Varane kula wareegto lacag dhan 68 milyan oo euro iyaga oo Varane ka bixin doonta 50 milyan oo euro halka ay 18 milyan ka bixinayaan xiddiga Kieran Trippier.

Solskjaer ayaa shaxdiisa ku soo celin doona 4-3-3 si uu boos ugu holo xiddigaha kooxdisa ku soo biiray iyada oo uu Trippier Booska kala bixi doona xiddiga Aaron Wan Bissaka

Wargayska Mirror Sport ayaa soo bandhigtay sida ay noqon doonto shaxda Red Devils hadii ay helaan saxiixa xiddigaha Raphael Varane iyo Kieran Trippier

The new formation would allow Paul Pogba and Bruno Fernandes to push further forward

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*