Shaxda Uu Xulka Qaranka France Kaga Hor Tagi Doono Ukraine

Xulka qaranka France ayaa bilaaban doona difaacashada koobka adduunka oo ay ku guulaysteen sanadkii 2018 markii tartanka lagu qabtay dalka Russia.

Xulka France ayaa bilaaban doona is reeb-reebka uu ugu soo baxayo koobka adduunka qatar 2022 isaga oo ka hor tagaya xulka mayalka adag ee Ukraine.

Tababare Didier Deschamps ayaan haysan dhaawacyo uu ka wel-welo waxana uu soo xushay xiddigo dhamaantood wada taam ah diyaarna u ah ka qayb galista kulamada is reeb-reebka koobka adduunka qaarada yurub.

Xiddigaha Kooxohooda ku dhibaatoonaya ee Giroud iyo Griezmann ayaa la filayaa in ay sii haystaan boosaskooda xulka qaranka kulanka caawa kuna bilowdaan shaxda xulka Les Bleus.

Xiddiga Paul Pogba oo dhawaan ka soo kabsaday dhaawac ayaa dhankiisa la filayaa in uu khadka dhexe ku bilowdo kana garab ciyaaro xiddigaha Kante iyo Sissoko.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo shaxda laga yaabo in uu France kaga hor tago Ukraine.

FRA - Football tactics and formations

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*